Deeq A. Posted January 13, 2020 Ciidanka Booliiska dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in koox hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay maanta saddex macallin ku dileen dugsi hoose oo ku yaalla gobolka waqooyi bari ee dalkaas. Dableeyda hubaysan ayaa sidoo kale ku gubay xarun boolis, islamarkaana ku waxyeeleeyey anteeno taleefon weerarkan oo ka dhacay magaalada Kamuthe, oo 40km koonfur kaga beegan magaalada Gaarisa. “Qiyaastii labadii subaxnimo, koox hubeysan oo la tuhmayo inay yihiin Al-Shabaab ayaa weeraray dugsiga hoose ee Kamuthe, xarunta booliska Kamuthe, iyo anteeno taleefon, waxayna dileen saddex macalin,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay booliska. Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay si rasmi ah ugu sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo saddex macallin ku dishay gudaha dalka Kenya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites