Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo maanta soo saartay digniin culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdiweli Maxamed Xirsi agaasimaha waaxda musiibooyinka ee wasaaradda arrimaha gudaha, faderaalka iyo simuquraadiyeynta Puntland ayaa shacabka uga digay roobab dabeylo wata oo la sheegay in saacadaha soo socda ay ka di’i doonaan xeebaha G/Bari.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in laga cabsi qabo in roobabkaasi iyo dabeylaha is wata ay ku dhuftaan meelo ay ka mid yihiin Boosaaso, Baargaal, Bayla, Xaafuun iyo Ayl loo ka wada tirsan gobolka Bari ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka shacabka inay ka fogaadaan goobaha biya dhaca ah oo roobka marka uu da’o sababi kara khasaare nafeed iyo mid hantiyeed intaba.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Cod-Jaamac-Kadiye.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this