Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan looga hadlayey amniga oo ka dhacay Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan looga hadlayey arrimaha amniga HirShabelle oo maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa maamul HirShabelle.

Intiisa badan shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii looga hortagi dadka wata hubka sharci darrada ah iyo amniga waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho oo inta badan weeraro gaadma ka fuliyaan dagaalyahannada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimaha canshuuraha, gaar ahaan xadiga lacagaha laga qaado gaadiidka isaga goosha gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

HirShabelle ayaa tan iyo markii la aas aasay wajaheysa dhibaayooyin kala duwan oo ay ugu horreeyaan arrimo dhaqaale iyo kuwa amni intaba.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this