Deeq A. Posted January 13, 2020 Ergeyga gaarka ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo dhowaan booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa sheegay in QM ay dedaal badan ku bixineyso wadahadalada Soomalaiya iyo Somaliland. AJames Swan ayaa tilmaamay in QM ay soo dhaweneyso dedaalada dib u cusbooneysiinta wadahadalada, islamarkaana ay labada dhinac ku bogaadinayaan arrintaasi. Sidoo kale wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya iyo Somaliland siyaasad ahaan aysan is waafaqsaneen, balse ay jiraan dhinacyo badan ay iska kaashadaan, si bulshada labada dhinac loogu adeego. Sikastaba ha’ahaatee ambassador James Swan ayaa ballan qaaday in Qaramada Midoobay ay sii xoojin doonto taageerada iyo garab istaaga ay siiyaan maamulka gooni isu taaha ah ee Somaliland, si ay hormaruga sameeyaan dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha. View the full article Share this post Link to post Share on other sites