Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo Ilmo yar ku dilay xarunta G/Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya Ilmo yar ugu geystay afafaaka hore ee xarunta gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu ka mid ahaa ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose ee Xamar oo uu ku shaqeeyo maamulka gobolka Banaadir.

Dilka wiilkaan yar oo lagu qiyaarsay 10 jir ayaa yimid, kadib markii askariga toogtay uu ku eedeeyey inuu ka xaday Mobile, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogaal ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in markii dambe gacanta lagu dhigay askariga ka dambeeyey dhacdadaasi.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dilka cunugaasi yar.

Inta badan ciidamada ammaanka ayaa dilal ka dhan ah shacabka ka geysta Muqdisho, iyadoona ay marar badan dowladdu ku cel-celisay inay wax ka qaban doonto falalkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this