Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Shiinaha Oo Ka Hadashay Loolanka Kursiga Golaha Amniga Ee U Dhaxeeya Kenya Iyo Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-Dowlada Shiinaha ayaa ka hadashay loolanka u dhaxeeya dalalka Jabuuti iyo Kenya oo ku aadan kursiga joogtada ah ee golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

Djibouti_president_visits_China_Xi_Jinpi

Xukuumada Beijing ayaa balan qaaday in ay taageeri doonto labada wadan, balse waxay ka gaabsatay dalka ay u coddeyn doonto.

Shiinaha ayaa xidhiidh wanaagsan wuxuu la leeyahay labada dhinac kaasi oo la xidhiidha dhanka ganacsiga iyo dhismaha.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii wasiirka arimaha dibada Shiinaha Wang Yi uu magaalada Jabuuti kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Mr Wang Yi ayaa balan qaaday in dalkiisa uu sii xoojin doono xidhiidhka saaxiibtinimo ee kala dhaxeeya dalka ku yaalla geeska Afrika.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this