Sign in to follow this  
Deeq A.

Boris Johnson Iyo Angela Merkel Oo Si Kulul Uga Hadlay Xadhiga Safiirka UK Ee Dalka IRAN

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-Raysal Wasaaraha UK Mr Boris Johnson iyo hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa cambaareeyay xadhiga safiirka Ingariiska u fadhiya caasimada Tehraan.

1578848276b723c.jpg

Labada hoggaamiye ayaa warsaxaafadeedkan wadajirka ah soo saaray kadib wadahadal dhexmaray shalay axadii.

Dhanka kale waxay ka arinsadeen diyaaradii Ukraine oo ay soo rideen iyagoo dhanka kale tilmaamay in xadhiga diblumaasigan uu yahay mid xadgudub ku ah shuruucda Caalamka.

Jarmalka iyo UK ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ka go’antahay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen ilaalinta danaha ay wadaagaan iyo qaabkii lagaga baaqsan lahaa in Iiraan ayna sameysan hubka wax guumaada.

Xadhiga diblumaasigan ayaa yimid  kadib markii UK ay dhaleeceysay gantaalkii ciidanka Iiraan ay ku dhufteen diyaarada Ukraine oo ay ku dhinteen 176 ruux oo ahaa shaqaale iyo Rakaab, walow markii dambe la sii daayay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this