Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Safar Ugu Ambabaxay Dalka Cummaan.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa Goordhowayd u ambabaxay Magaalada Joordan dalka Cummaan.

sax-750x430-1.jpg

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kasii sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo xubno kale.

Ujeedka Madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Cummaan ayaa waxaa tahay ka qeyb galka tacsida qaran ee u taalla shacabka dalka Cummaan.

Allaha u naxariistee maalmo kahor waxaa geeriyooday Suldaankii Cummaan oo lagu magacaabi jiray Suldaan Qaabuus Bil Saciid, waxaana lagu wadaa in dalkaas ay gaadhan Madax kale oo ka qeyb galeysa tacsida qaran ee Suldaanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this