Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Cumaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow u amba baxay dalka Cumaan, si uu uga qeyb galo tacsida qaran ee u taala shacabka iyo saldanada aanu walaalaha nahay ee Cumaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hore ugu tacsiyeeyay bulshada iyo dowladda Cuman geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allaha u naxariistee Suldan Qaaboos Bin Saciid oo dalkaasi soo xukumayay muddo dheer.
Madaxweynaha J. Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in muddada uu joogo halkaasi uu ka qeybgalo baroordiiq iyo tacsi loo sameeynayo boqorkii geeriyooday ee Cuman.
Labada dowladood ee Soomaaliya iyo Cuman ayaa leh xiriir soo jireen ah oo ku dhisan taariikh walaalnimo iyo waxwada qadaqabsi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this