Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Cumaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta OO Isniin ah u safray dalka Cumaan.

Bayaan kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dalka Cumaan uga qayb-galayo tacsida qaran ee u taalla Cumaan, kadib geeridii Suldaan Qaboos.

Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid oo ahaa boqorkii dalka Cumaan ayaa 11 Jannaayo 2020 geeriyooday, isaga oo ay da’diisu ahayd 79 jir. Qaboos ayaa afgembi aan dhiig ku daadan xukunka uga tuuray aabihii sanadii 1970.

Haitham bin Tariq Al Saciid oo ay ilmo adeer ahaayeen Boqor Qaboos ayaa loo dhaariyay xilka saladanada Cumaan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Cumaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this