Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Beled-Xaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada nabad sugida ee Jubbaland ayaa degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ku soo bandhigay xubno ay sheegeen inay ka tirsanaa Al-Shabaab.

Xubnaha soo goostay oo gaarayey labo ayaa la sheegay inay  isku soo dhiibeen ciidamada Jubbaland ee ka howlgala degmadaasi.

Saraakiisha nabad sugida Juballand ma shaacin magacyada raggan, balse waxa ay sheegeen in xiriir ay la soo sameeyeen taliskooda, kadibna la soo dhoweeyey.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in xubnahaan lagu wareejin doono hay’ada kale ee Jubbaland ee ku shaqada leh.

Weli ma jiro wax hadal oo ah ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan raggaasi.

Shalay ayey aheyd markii magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose lagu soo bandhigay sarkaal lagu magacaabo Maxamed Maadey oo Al-Shabaab ku biiray 2012-kii.

002.jpg Ragga-571x405-1.png 001.jpg

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this