Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JF oo safar ugu baxay dalka Cumaan + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhow safar ugu ambabaxay dalka Cumaan.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya Tacsida Qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanada Cumaan,isagoo diyaarad qaas ah ka qaatay Aadan Cadde.

Suldaankii dalka Cuman, Sultan Qaboos bin Said Al Said oo ahaa hoggaamyihii ugu xukunka dheeraa carabta ayaa geeriyooday Jimcihii isaga oo 79 jir ah.

Madax kala duwan oo ka socota caalamka ayaa ku qul guleysa dalka Cumaan, si ay uga qeyb galaan Tacsidaasi Qaran.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulan la qaato Suldaan Qaamuus Ibnu Siciid Ibnu Tamuur oo bedalay Suldaankii geeriyooday

Waa safarkii labaad ee bil gudaheed Madaxweynaha uga baxo dalka, isagoo dhowana booqasho ku dagay dalka Eritrea.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this