Deeq A. Posted January 13, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhow safar ugu ambabaxay dalka Cumaan. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya Tacsida Qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanada Cumaan,isagoo diyaarad qaas ah ka qaatay Aadan Cadde. Suldaankii dalka Cuman, Sultan Qaboos bin Said Al Said oo ahaa hoggaamyihii ugu xukunka dheeraa carabta ayaa geeriyooday Jimcihii isaga oo 79 jir ah. Madax kala duwan oo ka socota caalamka ayaa ku qul guleysa dalka Cumaan, si ay uga qeyb galaan Tacsidaasi Qaran. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulan la qaato Suldaan Qaamuus Ibnu Siciid Ibnu Tamuur oo bedalay Suldaankii geeriyooday Waa safarkii labaad ee bil gudaheed Madaxweynaha uga baxo dalka, isagoo dhowana booqasho ku dagay dalka Eritrea. Share this post Link to post Share on other sites