Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn hor leh oo lala beegsaday saldhig ciidan oo uu Mareykanka ku leeyahay Ciraaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqeyn hor leh oo loo geystay saldhig ciidan oo uu Mareykanka ku leeyahay Ciraaq

alasadairbase.jpeg?resize=730%2C412&ssl=

Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa waxaa ay sheegayaan in saldhig ciidan oo uu Mareykanka ku leeyahay gidaha dalka Ciraaq goordhow loo geystay duqeyn taas oo aan ilaa iyo iminka la ogeyn halka ay ka timid.

Saldhigga la duqeeyay ayaa waxaa lagu magacaabaa Balad, waana saldhig ciidanka cirka Ciraaq leeyahay balse Mareykanku daggan yahay kaas oo ku yaal waqooyiga magaalada Baghdad.

Waxaa lala dhacay afar gantaal, sida ay baahiyeen warbaahinta caalamka, lamana oga khasaaraha ka dhashay.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Iran ay duqeysay saldhigyo Mareykanku ku leeyahay dalka Ciraaq taas oo jawaab u aheyd dil uu Mareykanku u geystay general caan ah oo Irani ah Qaasim Suleymaani kaas oo qaab dhuumaaleysi kusoo galay dalka Ciraaq

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this