Deeq A. Posted January 13, 2020 Ciidamada amamaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ka sameeyey qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen xaafadda Taleex ee degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in baaritaanadaasi lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo markii dambe la sii daayey. Maalin ka hor ayey aheyd markii taliyihii nabad sugida degmada Qoryooley ee gobolka Sh/ Hoose lagu dilay agagaarka dalcadda Taleex ee degmada Hodan. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka waday xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadoona habeen hore laga sameeyey degmada Boondheere ee G/ Banaadir. View the full article Share this post Link to post Share on other sites