Sign in to follow this  
Deeq A.

Uhuru Kenyatta oo ka hadlay weerarada Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa todobaadkii labaad oo xiriir ah ku sugan magaala xeebeedka Mombasa ee dalkaasi Kenya, isagoo halkaasi kulamo xasaasi ah kula qaadanaya saraakiisha ugu sarreysa dhanka ammaanka dalkiisa.

Uhuru ayaa saraakiisha uu kulamada kula qaadanayo Mombasa waxaa kamid ah agaasimaha laanta dambi baarista dalkaasi, George Kinoti iyo xubna sar sare oo ka mid ah wasaaradda gaashaandhigga dalkaasi.

Kulamada u socda madaxweyne Uhuru iyo saraakiisha dhanka ammaanka ayaa waxaa looga hadlayaa qataraha Al-Shabaab ee gudaha Kenya iyo weeraradii ugu dambeeyey ee ay ka fulisay gobolka Woqooyi Bari ee dalkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha Kenya ayaa Mombasa kula kulmay xubno ka tirsan golaha wasiirada dalkaasi oo ay ka wada hadleen sida loo sugi karo amniga xadka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay sare u qaaday weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this