Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo Koonfur Afrika Ka Dalbatay Dhexdhexaadinta Arrinta Biyo-xireenka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo axaddii kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaohosa ayaa ka dalbaday inuu dhexdhexaadin ka sameeyo muranka biyo xireenka ee u dhaxeeya dalal Masar iyo Itoobiya.

“Ramaohosa  waxaa uu saxiib la yahay Masar iyo Itoobiya, waana guddoomiyaha soo socda ee midowga Afrika, waxaa uu labada dhinac kala hadli karaa iney xal ka gaaraan waxa ka dhaxeeya si nabad ah” waxaa sidaasi yiri Abiy Axmred.

Arrinta Biyo xireenka ayaa waxaa ay xasarad ka dhex dhalisay dalal uu maro webiga NILE, waxaana lagu wadaa in todobaadkan ay xal ku garaan kulan ka dhacaya dalka Mareykanka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this