Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Shacabka Oo Akhrinta Labaad Marinaya Hindise Sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo Dhowrka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxa ay maanta leeyihiin kulan muhiim ah oo looga hadli doono arrimo dhowr ah.

Kulankan oo ah midkoodii 29-aad ee Kalfadhiga Lixaad golaha shacabka ayaa waxau akhrinta Labaad marsiin doonaan Hindise sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo Dhowrka.

Waxa uu kulankan baaqday Arbacadii aynu kasoo gudubnay, kadib qarax gaari oo ka dhacay Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this