Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhacdooyin dhowr ah oo dhaawac gaarsiiyey sumcadii ciidanka booliska Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska waa ciidanka kaliya ee leh awood sugid amni ee dal walb,a waana kuwa baara dhacdooyinka aduunyada ka dhaca, balse Soomaaliya waxay maanta mareysaa in qof walba ka baqo ciidamada booliiska Soomaaliya.

Laga soo bilaabo madaxda qaranka iyo kuwa kalaba waxay sii dhimanaya kalsoonida ay ku qabaan booliiska Soomaaliya, oo ah kuwa lagu aaminay amniga Muqdisho.

Dhowr dhacdo oo xanuun badan iyo kuwa fashilmay ayaa sabab u ah in lagu kalsoonaan waayo booliiska, waxaana dhacdooyinkaas qeyb ka ah.

Dhowr jeer oo dharka booliska loo adeegsaday weeraro, rag boolis ah oo dilal rayid gaystay, iyo warar sheegaya in bastoolado laga helay hoolkii dabaal dagga ee maalinta ciidanka booliiska Soomaaliyeed, taas oo sababtay in madaxweynaha ka baaqdo.

Hadda markii ay galayaan madaxtooyada iyo hareeraheeda, ama markii ay madaxda ka qayb galeyso munaasabadaha waxaa la baaraa ciidamada booliiska oo ay aheyd in ay iyaga wax baaraan, waana calaamad muujineysa in hay’adda booliiska Soomaaliyeed ay bur bur ku sii socoto.

“Boolisku waa hay’ad ama ciidan caalami ah oo leh awooda 1-aad amaanka iyo baarista, balse Soomaaliya iyaga ayaa la baaraa, isla iyaga ayaa laga ilaaliyaa madaxdii qaranka sababtoo ah waxaa ku milmay Al-Shabaab” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliskii hore ee Soomaaliya oo aan qarinay magaciisa.

Sababta keentay in fashil ku yimaado booliska ayaa lagu sheegay 3 arin oo kala ah.

1) – Waxaa lagu soo daray rag badan oo ka soo galay ciidamadii hore ee NISA oo u badnaa kuwa markii hore kasoo goostay Shabaab, islamarkaana aanan marin hubin badan.

2) – Dhalinyaro badan oo la qoray dhowrkii sano ee ugu dambeysay kuwaas oo aan soo marin hab raacyada qorista ciidamada, waxaana ku soo dhax dhuuntay Al-Shabaab badan oo gabdho iyo wiilal ku darsaday.

3) – Dharka ciidamada oo aan xadidneen waxaana laga helaa suuqyada magaalada Muqdisho iyadoo ay fududahay in qof kasta uu xirto iyagoo wata daraja walba.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa lagula taliyay in ay soo saaraan 10, 000 oo askar boolis ah oo lagu aaamini karo amaanka Muqdisho lana siiyo lacag iyo daryeel fiican si meesha looga saaro daryeel xumada iyo laaluushka.

Haddii ay dowladda Soomaaliya qaadato talooyinkaan ayaa la aaminsan yahay in Al-Shabaab laga saari doono magaalada Muqdisho balse hadda uu halis sii galayo amaanka dalka oo dhan, gaar ahaan Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this