Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasiyiintii ugu badnaa oo gaaray Gaalkacyo iyo dhismaha maamul kale oo billowday

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Siyaasiyiin u badan wasiirradii iyo baarlamaankii hore ee Galmudug ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo ay sheegeen inay ka yagleelayaan maamul aan ahayn ka dhismihiisu ka socdo magaalada Dhuusamareeb.

Xubnaha gaaray Gaalkacyo waxaa hoggaaminaya wasiirka waxbarashada Galmudug  Sheekh Ibraahim Guureeye, sidoo kalena soo noqday guddoomiyihii seddxda gole ee ururkii Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Sheekh Ibraahim oo u waramay Idaacadda Kulmiye ee Muqdisho, isaga oo jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa waxa uu sheegay halkaas ay ka bilaabayaan dhismaha maamul cusub, maadaama sida uu sheegay ay iyagu yihiin dadkii horay loogu igmaday hoggaanka maamulka, isla markaana ay hadda doonayaan inay Gaalkacyo ku qabtaan doorasho madaxbanaan.

Ibraahim Guureeye ayaa sheegay in howlaha ka socda Dhuusamareeb ay yihiin kuwo aan loo dhameyn oo sida uu sheegay ku kooban xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre, isagoo eeda ugu weyn ka dhigay in xukuumaddu ay bedeshay inta badan odayaashii saxda ahaa ee beelaha Galmudug.

Waxa uu sheegay in xubnaha baarlamaanka ee looga dhawaaqay Dhuusamareeb ay yihiin kuwo aan ku imaan saxiixii saxda ahaa ee odayaasha beelaha, isla markaama ay cabasho uga timid odayaashii beelaha qaar, sidaasna ay u garwaaqsadeen inay doorkooda qaataan oo soo dhisaan maamul ay ku qanacsanyihiin beeluhu.

Xogta aan ka heleyso magaalada Gaalkacyo waxay sheegeysaa in kulamo ay uga socdaan siyaasiyiin badan oo reer Galmudug ah, kuwaas oo ka mideysan ku qanacsanaan la’aanta dhismaha maamul ee ka socota magaalada Dhuusamareeb, kaas oo gar wadeen ay ka tahay xukuumadda federaalka.

Sidoo kale Gaalkacyo waxaa ku sugan Madaxweyne Xaaf oo horay u sheegay in aysan ogolaa doonin howlaha ay xukuumaddu ka wado magaalada Dhuusamareeb, isagoo kulan isugu yeeray siyaasiyiinta iyo waxgaradka reer Galmudug, si buu yiri looga tashado dhismaha maamul loo dhanyahay oo ay yeelato Galmudug.

Halkan ka dhageyso wareysiga Ibraahim Guureeye

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/Wasiirka-Waxbarashada-Galmudug-Sheekh-Ibraahim-Guureeye-.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this