Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiir Cawad oo heshiis la saxiixday Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Ambassador Axmed Ciise Cawad ayaa maanta kulan la qaatay safiirka midowga Yururb ee Soomaaliya Danjire Nicolas Berlanga

Labada Masuul ayaa  ka wada hadlay arrimo dhower ah sida in midowga Yurub uu xoojiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya waxaana ay kala saxiixdeen heshiis arrimahaas ku saabsan.

Wasiir Cawad iyo Nicolas Berlanga ayaa isla soo qaaday Arimo kale oo ay ka mid ahaayeen amaanka arimaha doorashooyinka iyo xuquuqul aadanha.

Nicolas Berlanga ayaa sheegay in Midawga Yurub ay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed

Ugu Danbeyn Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa uga mahadceliyey Midawga Yurub garab istaaga Dowlada iyo dhinacyada ay ka taageeraan, wuxuuna balan qaaday in ay dowlada Soomaaliya sii xoojin doonto xiriirka ay la leedahay Midawga Yurub.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

81902704_2887065384687568_5120002372935876608_o Cawad

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this