Deeq A. Posted January 12, 2020 Dowladda Ingiriiska ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Kenya kadib markii dhawaan Al-Shabaab weerar culus ay ku qaadey saldhig ciidamada Mareykanka ku leeyihiin gobolka xeebta ku yaalla ee Lamu. Wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa kula talisay muwaadiniintooda inay ka feejignaadaan goobaha ay dadka isagu yimaado inta ay ku sugan yihiin gudaha dalka Kenya. Digniinta ayaa soo baxday maalmo kadib markii Al-Shabaab ay sheegtay inay weeraro cusub ay ku qaadi doonto dalka Kenya, islamarkaana ay ku bartilmaameedsan doonto goobaha dalxiiska. Ku dhawaad 200,000 oo Ingiriiska u dhashay ayaa sanad kasta dalxiis u taga Kenya, kuwaasoo qaarkooda la sheegay inay booqdaan degaanaada xeebta ee ku dhaw xuduuda Soomaaliya. Kenya ayaa la kulantay weeraro xoogan tan iyo markii ciidankeeda usoo dirtay Soomaaliya 2011 si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites