Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada Galmudug oo ku jira diyaarow doorasho

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada Cusub ee Galmudug ayaa bilaabay diyaar-garowga doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug, iyadoo lagu wado in ay  yeeshaan kulankoodii kowaad oo ay uga rarinsanayaan doorashada guddoonkooda.

Xildhibaanada Galmudug ayaa la dhaariyay shalay gelinkii dabbe,iyaoo  kadib yeeshay kulan ay ku dooranayeen Gudoomiye kumeel gaar ah oo ay u doorteen ninka ugu da’da weyn xildhibaanada Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa sidoo kale ka arinsanaya Shuruudaha iyo waxyaabaha looga baahanyahay Musharixiinta u taagan Qabashada Gudoonka Barlamaanka Galmudug , waxa ay iska soo dhax xuli doonaan Guddiga Doorashada Gudoonka Barlamaanka Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa waxaa horyaalo shaqooyin adag iyo soo doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo Waliba Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this