Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo war cusub ka soo saartay kiiska Caasho Ilyaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Telefishinka Puntland oo xiganaya Xeer ilaaliyaha guud ee maamulkaasi, Maxamuud Xassan Aw-Cismaan, ayaa baahiyay in saddexda xukmane Boosaaso lagu toogan doono subaxnimada Talaadada ah, ee ku beegan 11-ka bisha soo socota ee February 2020 saacaddu marka ay tahay 8:00am subaxnimo.

Saddexda xukmane oo kala ah; Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, ayaa lagu helay in ay ka dambeeyeen kufsigii iyo dilkii February 2019 magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aaden.

Raggaasi, ayaa Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Nugaal, waxay dil toogasho ah ku ridday 12-May-2019, Xukunkaasi oo Maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019.

Sidoo kale, Maxkamadda sare ee Puntland ayaa 25-kii August 2019, si rasmiya u ayidday dilka lagu riday saddexda xukmane, balse dib u eegis ay ka qaateen ayey mar kale Maxkamadda sare laashay 23-ka October 2019.

Ugu dambeyntii, xeer Ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland, ayaa Sabtidii shalay Maxkamadda ku wareejiyay Galka fulinta Xukunka, oo ay ku lifaaqan yihiin warqaddii dhaxal-koobka iyo codsigii qisaas-dalabka qoyska Caa’isha Ilyaas.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this