Deeq A. Posted January 12, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaanka kooxda Al-Shabaab ayaa ku hanjabay inay sare u qaadayaan weerarada ka dhanka ah Mareykanka, kadib midkii ay dhowaan ku qaadeen saldhigga Manda Bay oo ku yaalla gobolka xeebta Laamu ee dalka Kenya. Idaacadda Andaluus ayaa baahisay qeybta koowaad barnaamij ay ku sheegtay inay uga hadleyso duulaamada ka dhanka ah Mareykanka. Al-Shabaab ayaa sheegtay in weeraradooda ay yihiin kuwa ay ugu jawaabayaan howlgallada Mareykanka uu ka wado dalalka Ciraaq, Afghanistan illaa bariga qaaradda Africa, kuwaas oo ay sheegtay in lagu dhibaateeyo inta badan dadka musmiliinta ah. Sidoo kale waxa ay ku hanjabtay in hadda kadib ay beegsan doonto ciidamada Mareykanka, kuna weerari doonto saldhigyadooda. Weerarkii ugu dambeeyey ee ka dhacay saldhigga Manda Bay ayaa waxaa ciidamada Mareykanka ka soo gaaray khasaare xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Horay kooxda Al-Shababa ayaa sidoo kale u weerartay saldhigga Balidoogle oo muhiim u ah Mareykanka, inkastoo weerarkaasi ciidamadu ay ka hortageen. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka la dagaalama Al-Shabaab, waxaana uu duqeymo xoogan ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Share this post Link to post Share on other sites