Deeq A. Posted January 12, 2020 (SLT- Taiwan)-Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa mar labaad ku guuleysatay xilka dalkaas, iyadoo doorashada Taiwan ay hareysay xidhiidhka ay jasiiraddu la leedahay Shiinaha. Codadkii la tiriyay, Ms Tsai waxay ka heshay 57%, iyadoo aad kaga horreysa ninka la tartamayay ee Han Kuo-yu. Ms Tsai ayaa ka soo horjeedda xidhiidh dhow oo lala yeesho Shiinaha, halka Mr Han uu rumeysan yahay in xidhiidh lala yeesho Shiinaha uu sare u qaadayo dhaqaalaha dalkaas. Khudbaddii ay jeedisay, Ms Tsai ayaa waxay u sheegtay Shiinaha inuu ka tanaasulo hanjabaaddiisa ah inuu jasiiradda si xoog ah u soo ceshan doono. Weriyaha BBC John Sudworth oo ku sugan Taiwan ayaa sheegaya in natiijada doorashada ay dharbaaxo weyn ku tahay Beijing. Damaceeda ah midow ballaadhan oo Shiinuhu yeesho ayaa si weyn loo qaadacay. Ms Tsai ayaa shir jaraa`id ka tidhi: “Taiwan waxay dunida tusineysaa sida aan u jecel nahay inaan dimuqraadiyad ugu noolaaddo iyo sida weyn ee aan u jecel nahay dalkeenna” Shiinaha ayaa sheegay inuu maamulo Taiwan tan iyo dhammaadkii dagaalkii sokeeye ee Shiinaha sanadkii 1949. Waxay sheegtay in Taiwan ay tahay inay qasab ku aqbasho dib ula midoobidda Shiinaha, haddii kalena xoog loo adeegsan doono. Source Share this post Link to post Share on other sites