Deeq A. Posted January 12, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula qaatay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mudane James Swan. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa labad ma’sul waxa ay uga hadleen arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka. Wararka ayaa sheegaya in kulankaan intiisa badan diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021, si meesha looga saaro walaaca taagan. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa u sheegay James Swan in xukuumaddiisu ka go’an tahay, sidii loo dardar galin howlaha doorashooyinka, si uusan u imaan dib u dhac. Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe si weyn loogu dhaliilayey inay ka gaabisay dadaalladii looga baahnaa ee doorashooyinka soo socda 2020/2021. Walaaca ugu badan ayaa wuxuu ka taagan yahay nooca doorasho ee la qabanayo, maadaama xisbiyada mucaaradka ay ku doodayaan inaan la qaban karindoorasho qof iyo cod ah. Share this post Link to post Share on other sites