Deeq A. Posted January 12, 2020 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada dowladda ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Howlgalka ayaa si gaar ah looga fuliyey xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. Wararka qaar ayaa sheegaya in baaritaanadaasi lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan howlgalkaasi. Maalmihii dambe ciidamada dowadda, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xoojiyey howlgallada lagu xaqiijinayo amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites