Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo xalay howlgal ka sameeyey Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada dowladda ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Howlgalka ayaa si gaar ah looga fuliyey xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Wararka qaar ayaa sheegaya in baaritaanadaasi lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan howlgalkaasi.

Maalmihii dambe ciidamada dowadda, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xoojiyey howlgallada lagu xaqiijinayo amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this