Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay masuuliyiin cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee dowladda, Agaasime ku-xigeenka Bankiga Dhexe iyo Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Sool.

Madaxweyne Deni ayaa Abdirisaaq Warsame Seeraar u magacaabay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee dowladda Puntland, halka uu Anisa Cabdiraxmaan Maxamed (Shaxbal) u magacaabay Agaasime ku-xigeenka Bankiga Dhexe.

masuuliyiin.gif?w=1000&ssl=1Masuuliyiinta cusub ee Bankiga Dhexe, Puntland

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool u magacaabay G/Sare Cismaan Yuusuf Muuse.

Hoos ka akhriso Digreetada Guddoomiyaha iyo Agaasime ku xigeenka Bankiga Dhexe ee Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.04 January 8, 2020 ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Agaasime ku-xigeenka Baanka dhexe ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Baanka dhexe ee Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo waaya-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey :

1. Waxaa Abdirisaaq Warsame Seeraar loo magacaabay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Dowladda Puntland.

2. Waxaa Anisa Cabdiraxmaan Maxamed loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Hoos ka akhriso Digreetada magacaabida Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sool.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.05 January 8, 2020 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay : Baahida loo qabo dardargelinta howlaha Amni ee Gobolka Sool.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Ciidanimo.

Markuu Tixgeliyey: Talo soojeedinta Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/Sare. Cismaan Yuusuf Muuse loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay masuuliyiin cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this