Sign in to follow this  
Deeq A.

HARGEYSA: Nin Mindi Ku Weeraray Arday Dugsi Kasoo Baxay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Abaaro Labadii Duhurnimo ee maanta ayaa Nin ku hubaysani Mindi waxa uu ku weeraray Arday 14 jir ah oo ka soo baxay Imtixaanka Dugsiga Xaafada Sheekh Nuur ee Magaalada Hargeysa.

Ninka Mindida sitay ayaa laba jeer Ardayga kaga dhuftay Misikta iyo Bawdada, waxaana Ardayga ka soo gaadhay dad goobta joogay.

hhhh.jpg?resize=367%2C267

Ilaa iyo hadda ma cada sababta dhabta ah ee ninkani u weeraray Ardayga, balse Axmed Cabdilaahi oo ka mid ahaa dadkii goobta joogay ayaa sheegay in markii uu waydiiyey sababta uu Ardayga midida ula dhacay ayaa sheegay inuu u sheegay inuu ka amaan waayey.

Ciidamada Bileyska ee Saldhiga Bileyska ee xaafadda Sheekh Nuur ayaa xidhay ninka dhaawacyada u gaystay Ardayga lskuulka ka soo baxay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this