Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maxay ganacsatadii codsiga waday ee u tagay Al-Shabab kala soo kulmeen?

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah ganacsatada deegaan ahaan ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan degmooyinka Diinsoor, Qansax-Dheere, Waajid iyo Xudur ayaa shalay deegaanka Iidaale kulan kula qaatay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Ganacsatada oo badankood ka safray magaalada Baydhaba ayaa ujeedkoodu ahaa sidii ay Al-Shabaab uga codsan lahaayeen in go’doonka looga qaado deegaanadooda.

Sida ay sheegeen xubno ka mid ah ganacsatadii kulanka ka qeyb galay, Al-Shabaab ayaa ganacsatada ka dalbaday lacag dhan 300,000 oo kun (Sedax boqool kun oo dollar), si ay go’doonka uga qaadaan.

Ganacsatadaan ayaa inta aysan aadin Al-Shabaab waxay la kulmeen xubna ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, iyaga oo u sheegay inay u tagayaan Al-Shabaab, isla markaana kala hadlayaan sidii go’doonka looga qaadi lahaa deeganada maamulkaas.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno arrintaas waxay sheegayaan in ganacsadii la kulantay Al-Shabaab ay dib ugu laabteen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaas oo markii hore ay ka amba-baxeen, mana jirto wax ay isla soo meel dhigeen iyaga iyo Al-Shabaab, sida aan xogta ku heleyno.

Lacagta Al-Shabaabka ay dalbadeen ayaa lagu warramayaa inay ganacsatada ay dareemeen inay aad ugu badan tahay, mana cadda hadda tallaabada xigta oo ay qaadi doonaan.

Ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this