Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Aqalka sare oo ka dooday sharciga doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulankii 26aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu shir Guddominayay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi .Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed ayaa kulanka joogay.

Guddoomiyaha Guddiga KMG ee Diyaarinta Sharciga Dooorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Cabdulaahi Abuukar Xaaji ayaa Golaha Aqalka Sare ka hor-akhriyay Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal.

Inta kadib Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedka lagu wareejin doono Guddiga ku-meel gaar ka ah ee golaha Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sharciga doorashooyinka Qaranka u magacaabay Guddi Xildhibaanno ah oo ka koobnaa todoba xubnood oo Gudomiye u yahay Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, iyagoo ka soo shaqaynaya  sharcigaan, isla markaana isku daba ridaya aragti waliba oo ay ka dhiibtaan Senatorada.

27-kii bishii December ayay ahayd markii Golaha shacabka ay meel mariyeen sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya, kaddib markii muddo laba todobaad ah ay ka doodayeen sharcigaan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

81645686_2649053501881848_81569139104531 81712587_2649053221881876_69651814578619 81733480_2649053575215174_76827462310297 81795963_2649053238548541_80456588686188 82011013_2649050118548853_12155859965784

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this