Sign in to follow this  
Deeq A.

Komishanka Doorashooyinka Oo Diiday In Ay Is-casilaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddiga Doorashooyinka ayaa la sheegay inay diideen inay xilka iska casilaan, waxaanay si caadi ah oo maalinle ah u wataan shaqadoodii. Sidaas waxa baahisay shabakadda wararka ee Somaliland Eye.

riyo.jpg

Shabakadda oo soo xiganaysa ilo xogogaal ah oo aanay magacaabin, ayaa sheegtay in guddiga doorashooyinka ee wakhtigani diideen soo jeedintii ergada dhexdhexaadinta ee ahayd in la kala diro lana soo magacaabo gudigii doorashada ee hore, waxaanay shabakadu sheegtay in xubnaha guddiga doorashadu ay sidoodii caadiga ahayd u wataan shaqo maalmeedkooda.

Waxa kale oo ay shabakadani sheegtay inaanay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka midkoodna ka hawlgelin sidii xubnaha guddiga doorashada.

Xubnaha guddiga doorashooyinka oo aanu isku dayay inuu arrintan wax ka weydiiyo ayaanay noo suurtogelin. Laakiin warkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay shalay ku eekayd 10 January oo ah maalintii loo qabtay in Madaxweyne Biixi ku soo dhammeeyo fulinta labadii qodob ee ay ergadii dhexdhexaadintu soo saartay ee ahaa kala dirista guddigan iyo soo celinta guddigii hore, mana muuqdaan wax bidhaamo ah oo muujinaya in deg deg loo fulinayo labadaas qodob.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this