Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii NISA ee Qoryooley oo lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Dabley hubeysan ayaa barqanimadii maanta xaafadda Taleex, degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku dilay taliyihii ciidamada nabad sugida degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo lagu magacaabi jiray, Dhaayow Cismaan Xuseen.

Kooxda dilka fulisay oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa rasaas ku furtay marxuumka, iyagoona goobta ka baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa dilka kadib soo gaaray goobta, iyagoo meydka ka qaaday halkaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa baaritaano lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey falkaasi ka sameeyey qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ka dhaca gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this