Deeq A. Posted January 11, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay markale dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ka fuliyeen gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Olla oo hoos yimaada magaalada Mandera ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in lala beegsaday saldhig ay leeyihiin ciidanka Booliska Kenya iyo sidoo kale xarun shirkadda Safaaricom ku leedahay halkaasi. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Xoogagooda ay weerarkaasi ku burburiyeen labadaasi goobood, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale saraakiil ka tirsan dowladda Kenya oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaasi ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarka, kana hortageen. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in ciidamadu baaritaano dheeraad ah ay ka sameeyeen deegaano dhaca xadka Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa muddooyinkii la soo dhaafay kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites