Sign in to follow this  
Deeq A.

Ammaanka magaalada Boosaaso oo si weyn loo adkeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta xoojiyey amniga Boosaaso, kadib markii uu saaka gaaray Madaxweynaha maamulkaasi, Siciid C/laahi Maxamed (Deni).

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay howlgallo lagu xaqiijinayo ka bilaabeen halkaasi, si loo adkeeyo amniga inta uu Madaxweynuhu joogo halkaasi.

Sidoo kale Deni ayaa kulamo lagu qaboonayo xiisada ka taagan degmada Boosaaso ka bilaabay gudaha magaaladaasi.

Kulamadan ayaa waxaa intoooda badan looga arrinsanayaa mad-madowga u dhexeeya xukuumadda Siciid Deni iyo waxgradka magaalada Boosaaso.

Tan iyo markii loo doortay xil kaan sanad ka hor Madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu dhaliilo kala kulmayey siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolka gobolka Bari.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this