Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Sare oo ka doodaya sharciga doorashooyinka Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la horgeynayaa sharciga doorashooyinka Qaranka kaasi oo ay marsiinayaan aqrinta koowaad.

Laba todobaad ka hor ayaa guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi sharciga doorashooyinka Qaranka u magacaabay guddi senatorro ah oo ka koobnaa todoba xubnood, kuwaas oo diyaarinaya sharcigaan isla markaana isku daba ridaya aragti waliba oo ay ka dhiibtaan senatorada.

27-kii bisha December ayaa waxaa meel mariyay sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii muddo laba todobaad ah ay ka doodayeen sharcigaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this