Sign in to follow this  
Deeq A.

4379 denbi oo Puntland ka dhacay sannadkii 2019

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee dowladda Puntland, ayaa maanta oo Sabtiya shaaciyay warbixinta Denbiyadii ka dhacay Puntland sannadkii tegay ee 2019 oo gaaraya 4379 kiis.

Sida ku cad warbixinta ka soo baxday Xeer Ilaalinta, sannadkii tegay ee 2019, waxaa Puntland ka dhacay 162 dil, kuwaasi oo uu kaalinta kowaad kaga jiro gobolka Mudug, oo ay ka dhaceen 59 dil, halka gobolka Bari oo ku soo xiga ay ka dhaceen 55 dil. Gobolka Cayn ayaa isna wax aka dhacay 19 dil.

Gobollada Nugaal iyo Sool, ayaa waxa sannadkaasi mid walba ka dhacay 9 dil, halka gobolka Karkaar ay ka dhaceen 6 dil, sidoo kale gobolka Haylaan waxa ka dhacay 4 dil, balse gobolka Sanaag ayaa sannadka oo dhan lagu dilay hal qof oo keliya, sida ku xusan Shaxanka Xeer Ilaalinta Puntland.

Denbiyada Kufsiga ee Puntland ka dhacay sannadkii tegay, ayaa lagu sheegay 90-kufsi, waxaana hoggaaminaya gobolka Nugaal oo ay ka dhaceen 30 kufsi. Gobolka Bari oo ku soo xiga ayaa laga diiwaan-geliyay 18 kufsi, iyadoo gobolka Mudugna ay ka dhaceen 13 kufsi.

Dagaalladii Puntland ka dhacay 2019, ayaa sida Xeer Ilaalintu sheegtay, waxaa ku dhintay 212 qof, kuwaasi oo 63 kamid ah ay ku dhinteen dagaallo ka dhacay gobolka Cayn, gobolka Karkaar oo ku soo xigana, ay ku dhinteen 55, halka gobolka Bari oo kaalinta saddexaad ku jita ay ku dhinteen 46 qof.

Dhinaca kale, Sannadkii tegay Puntland waxaa ka dhacay 906 kiis oo Xatooyo ah, 436 kiis oo Daroogo ah, 77 kiis oo Khiyaano ah, 218 kiis oo dhac ah, 64 kiis oo Tahriib ah, 21 kiis oo isku day dil ah, 406 kiis oo dhaqan-xuma ah, 920 kiis oo dhaawac ah, 80 kiis oo lunsasho Hanti dadweyne ah iyo 318 kiis oo burcad-berriya, 5 kiis oo argagixiso, 50 kiis oo Tacaddi dumar ah, 23 kiis oo Tacaddi Carruureed ah iyo 105 kiis oo burbur hantiyeed ah.

Hoos ka daawo muuqaalka Xeer Ilaalinta

PUNTLAND POST

The post 4379 denbi oo Puntland ka dhacay sannadkii 2019 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this