Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirar iska soo horjeeda oo ka socda magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka aynu ka heleyno deegaanada Galmudug ayaa ku warramaya in xalay illaa saaka kulamo siyaasadeed oo iska horjeeda ay ka socdaan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee maamulkaasi.

Kulamada oo ah kuwa is daba joog ah ayaa waxaa looga hadlayaa dhismaha Galmudug iyo sida loo wajahayo doorashada la filayo inay ka dhacdo Dhuusamareeb.

Guddiga farsamada ayaa dadaalladii ugu dambeeyey ka wada magaaladaasi, si loo dhameystiro dhismaha maamulkaasi oo uu weli khilaaf ka taagan yahay.

Shalay guddiga ayaa ku dhaawaqay inta badan liiska xildhibaanada cusub, iyadoo weli looga fadhiyo soo xulista xubnaha haray oo gaaraya illaa lix mudane.

Dhinaca kale Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa shirar ka wada Gaalkacyo, isagoo ku dhaawaqay shir looga hadlayo dhismaha iyo aayaha Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in ergooyin ay direen beelaha qaar ee Galmudug ku sii qul qulayaan Gaalkacyo, kuwaas oo ka soo horjeestay xildhibaanada la shaaciyey.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono khilaafka weli ka taagan Galmudug oo soo jiitamayey, tan iyo markii la aas aasay maamulkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this