Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ku dhaw in ay lumiso xaqa codeynta Golaha Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 7 dal oo ka mid ah Qaramada Midoobay oo weyn doona xaqa codka golaha guud ee Qaramada Midoobay, taasi oo ay ugu wacan tahay bixin la’aanta dhaqaalaha xubinimada.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa farta ku fiiqay in dalalkaaa dib uga dhaceen buxinta lacagtii xubinimada ayna xaq u yeelan doonin inay codeeyaan.

Golaha guud wadamada Qaramada Midoobay ayaa ka kooban 193 dal, waxaa kaloo ka mid ah dalalka arrintan saameynayso Venezuela, Lebanon, Sao Tome and Principe, Comoros, Gambia, Lesotho, Tonga iyo Yemen.

Qodobka 19-aad ee xeerka Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in xubintii muddo 2 sano ah bixin weyda dhaqaalaha aanay ka codeyn doonin golaha.

Laakiin Goluhu wuxuu u ogolaan karaa codeyn xubinta haddii ay la timaado wax looga qanci karo oo ku aadan sababta aanay u bixin gunnada xubinimada, ayna dhacdo xaalad aanay waxba ka qaban karin.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada darajada hoose kaga jiro  dhaqaalaha Adduunka, wuxuuna wadanka mar dhow kasoo baxay dagaalo sokeeye inkastoo aysan weli jirin dowlad awood leh iyo wax soo saar ku filan, waxaana dhaqaalaha Dowladda kabo dowlado shisheeye oo ay kamid yihiin Hey’adaha Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa waxaa loo soo jeediyey digniin culus oo ku aadan arrintaan, waxaana laga codsaday inay si deg deg ah u bixiyaan lacagta.

Sidoo kale Venezuela  oo kamid ah wadamada codka weyn doono ayaa dad lagu qiyaasay 4.5 milyan oo qof ka cararay Venezuela tan iyo  sanadkii 2015, iyagoo ka baxsaday sicir barar, adeegyada bulshada oo aan ku filneyn, amni darro iyo kala qeybsanaan siyaasadeed oo ka dhexjirtay dal  mar ka mid ahaa kuwa ugu taajirsan Latin America maadaama uu wadanka lahaa keydka saliidda oo aad u ballaaran.

Sidoo kale Dalka Lubnaan ayaa wuxuu wajahayaa dhibaato dhaqaale middii ugu xumeyd tobanaan sano, waxaana kor u kacay qiimaha Korontada, waxayna dadweynaha Lubnaan ka cabanayaan Canshuur badan oo lagu sogay, waxayna codsanayaan in la badalo hoggaanka siyaadeed ee dalka heytay tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii Sokeeye ee 1975.

20 wadan oo kamid ah 193 dal ee ka diiwaan gashan Qaramada Midoobay ayaa bixiyo 83.78% lacagaha UN-ka la siiyo halka 173 dal ee kale ay bixiyaan 16.22% oo kaliya.

10 kamid ah 20-kaas wadan ayaa waxaa xusid mudan inay iyaga bixiyaan 68.89% oo kamid ah 83.78% oo ay bixiyaan 20-ka wadan ee lacagta ugu badan siiyo Qaramada Midoobay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this