Deeq A. Posted January 11, 2020 Guddoomiyaha guddiga farsamada ee maamul u dhisida Galmudug oo la hadlay Shabelle ayaa ka faah faahin dadaallada ay haatan ka wadaan magaalada Dhuusamareeb. Cabdinaasir Beyle oo guddoomiye u ah guddigaas ayaa sheegay in qorshaha dhismaha dowlad goboleedka Galmudug uu marayo meel wanaagsan, islamarkaana si cadaalad lagu soo xulay xildhibaanada labaad ee baarlamaanka maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kuwa haray sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo xuli doono, si loo guda galo howlaha kale ee doorashada. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Jaamac.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites