Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Kenya Oo Heegan La Geliyey, Cabsi Laga Qabo Al-shabaab Awgeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiisha ciidanka Booliiska Kenya ayaa sheegay in heegan xooggan la geliyey ciidanka dalkaasi, kadib cabsi laga qabo in Al-shabaab ay weeraro hor leh ku qaadaan wadankaasi.

Ciidamo isugu jira Booliis iyo Milatari ayaa aad loo dhoobay deegaanka Elwak-Kotulo iyo waddooyinka ka yimaada dhanka magaalada Mandhera.

Saraakiishan ayaa sheegaya iney heleen xog cusub oo ah in ururka Al-shabaab doonayo weeraro iney ka fuliyaan gudaha wadanka Kenya.

Meelaha qaar ciidamada waxay ka sameynayaa baaritaanno aad u xooggan, xilli walbana waxay saraakiisha sheegeen in weerar ay filan karaan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this