Sign in to follow this  
Deeq A.

Iran oo qiratay inay soo riday diyaaraddii Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Tehran (Caasimada Online ) – Dowladda Iran ayaa war cusub ka soo saartay diyaaraddii rakaabka aheyd ee Arbacadii la soo dhaafay ku dhacday agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Tehran ee Caasimada dalkaasi, taasi oo laga lahaa dalka Ukraine.

Telefishinka Qaranka Iran ayaa goor dhow baahiyey in si aan ula kac aheyn loo soo riday diyaaradaasi, islamarkaana uu ku dhacay gantaal si qalad ah loo ganay.

Sidoo kale war-murtiyeedka ka soo baxay milatariga Iran ayaa waxaa lagu sheegay in la ciqaabi doono cidda mas’uulka ka ah falkaasi.

Diyaaraddaan oo ay laheyd shirkadda Ukraine International ayaa waxaa la socday 176 ruux oo isugu jiray rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda oo dhammaan shilkaasi ku geeriyooday.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo xiisada u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ay cirka isku shareereyso, taas oo ka sii dirtay markii la dilay Jeneral Qasem Soleimani.

Iran ayaa dilkaasi kadib bilowday duqeymo ka dhan ah saldhigyada ciidamada Mareykanka iyo xarumaha uu ku leeyahay dalka Iraq.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this