Deeq A. Posted January 11, 2020 Darawal Al-Shabaab ka badbaadiyay rakaab uu siday Darawal Raymond Juma wuxuu waday baska lagu weeraray waddada isku xirta Mombasa iyo Lamu “Ma ihi qof geesi ah” ayuu yiri darawalkii badbaadiyay rakaab saarnaa bas lagu weeraray bariga dalka Kenya. Darawalkan oo lagu magacaabo Raymond Juma wuxuu ku dhaqaaqay tallaabooyin khatartooda leh si uu u badbaadiyo 47 qof oo rakaab ah oo saarnaa baska xilligii uu weerarka dhacayay. “Rakaabkii aan waday waxay lamid ahaayeen sida walaalahey iyo waaliddiinteyda, marka waxaan sameeyay tallaabo kasta oo aan ku badbaadin karo nafteyda iyo dadkii aan jeclaa,” ayuu yiri Raymond Juma oo BBC la hadlayay. Juma wuxuu darawal ka ahaa mid ka mid ah labo bas oo 2-dii bishan Janaayo ay rag hubeysan ku weerareen inta u dhexeeyso magaalooyiinka Mombasa iyo Lamu ee dalka Kenya, waxaana baska iska laheyd shirkadda basaska ee Mombasa Raha. Wuxuu sidoo kale sheegay in raggii weerarka kusoo qaaday ay ku labisnaayen dareeska militariga xilli rasaas hawada u rideen isla markaasna waxay ku amreen inuu joojiyo baska. “Markii aan diiday in aan joojiyo baabuurka, waxay nagu fureen rasaas, marka waxaan ogaa haddii aan istaajiyo baabuurka inay na dilayaan dhammaanteen.” “Rakaabka ayaa qeylo isku daray markii ay rasaasta nagu fureen,” ayuu yiri darawalka. ‘Xilligii ugu naxddinta badnaa ee isoo marta’ Rasaasta waxay haleeshay taayarka baabuurka, “Markii uu taayarka banjaray, rakaabka waxay bilaabeen inay ka boodaan daaqadda si ay noloshooda u badbaadiyaan, dadka waxay ku kala carareen keymaha” Taayarka baska oo banjaray markii ay haleeshay rasaasta Ninkan 46 jirka ah, wuxuu sidoo kale sheegay in muddo hal saac ah uu cararayay ilaa markii uu gacan haadiyay darawal kale oo markii dambe qaaday. “Waa maalintii ugu naxddinta badneyd abid ee soo marta nolosheyda, waa Alle mahaddiis, baskii ma uusan gaddoomin, dhammaanteen waa badqabnaa,” ayuu yiri daraqwalka. “Kirishbooygeygii la dilay” Balse darawalkii waday baskii labaad, Abuubakar Hemed ayaa u hoggaansamay dableydii markii ay ku amreen inuu joogsado, wuxuu u maleynyay saraakiil boolis ah. Dhammaan 41 rakaab ee saarna baska ayay dableyda ku qasbeen inay ka soo degaan. “Waxaa laga codsaday rakaabka inay ku dhawaaqaan shahaadada halka kuwii ku dhawaaqi waayay la tooganayay,” ayuu yiri Hemed. Saddex qof oo saarna baska waxaa dilay maleeshiyaad la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al Shabaab, waxaana weerarka ku dhawaacmay tiro dad ah. “Waxaa la dilay kirishbooygii la socday baska,” ayuu yiri Hemed. Wuxuu sidoo kale sheegay in rakaabka ay argagaxeen halka qaarna kalena ay ooynayeen xilli dableyda ay hor taagnaayeen isla markaasna ay durbadiiba u suurogashay in rakaabka ay baxsadaan. Baskiii weerarka lagu qaaday Ururka Al Shabaab ma aysan sheeganin weerarka lagu qaaday baska, balse waxay sannadihii lasoo dhaafay gudaha Kenya ay ka geysteen weeraro kala duwan. Dhibaatooyinka ka dhashay amni darrada waxay saameyn ku reebeen nolosha dadka ku nool gobolka. Deegaanka Lamu waxaa horey uga dhacay weeraro khaasare badan dhaliyay. Shirkad laga leeyahay Shiinaha oo ka shaqeyneysay qorshaha dhisidda dekedda Lamu ayaa shaaca ka qaaday in si kumeel gaar ah ay howsheeda u joojineyso amni darro aawadeed. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites