Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda sare ee Puntland oo shaacisay sababta loo fulin waayay xukunka Kiiskii Caa’isha Ilyaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Siihaya xilka Guddoomiyaha, ahna  Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare ee Puntland, Nuur Ciise Maxamed oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta keenta in aan weli la fulin xukunkii lagu riday saddex nin oo lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas Aaden.

Saddexda xukmane oo kala ah; Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, ayaa lagu helay in ay ka dambeeyeen kufsigii iyo dilkii February 2019 magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aaden.

Guddoomiyaha oo si kooban uga warbixiyay heerarka uu soo maray Kiiska, ayaa sheegay in Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Nugaal, ay dil toogasho ah ku ridday saddexda xukmane 12-May-2019, Xukunkaasi oo Maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019.

Wuxuu intaasi ku daray, in Maxkamadda sare ee Puntland 25-kii August 2019, ay rasmiya u ayidday dilka lagu riday saddexda xukmane, taasi oo ka dhigan in heerarka kala duwan ee Maxkamadaha Puntland ay isku raaceen xukunkaasi.

Sidoo kale, wuxuu xusay in saddexda xukmane ay dib u-eegis ka qaateen xukunkii kama dambaysta ahaa ee Maxkamadda sare , balse dib u-eegistaasi ay mar kale laashay Maxkamaddu, sidaasi darteedna xukunkaasi uu fulin-suge yahay.

Guddoomiyahaoo la weydiiyay sababta aan weli loo fulin xukunkii dilka ahaa ee lagu riday saddexda xukmane? ayaa sheegay in ay weli Xafiiska Xeer-Ilaalinta Puntland ka sugayaan Galkii xukun-fulinta, oo ay ku lifaaqan yihiin warqaddii dhaxal-koobka iyo codsigii qisaas-dalabka ee ehelada Marxuumad Caa’isha Ilyaas.

Dhinaca kale, wuxuu tilmaamay in Xafiiska Xeer-ilaalintu ay Maxkamadda u soo gudbiyeen, codsi ku aaddan fulinta xukunka, balse aysan ku soo lifaaqin warqaddii dhaxal-koobka iyo codsigii qisaas-dalabka, sidaasi darteedna uu Galkaasi kala dhimanyahay.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in madaxweynaha Puntland uusan wax saxiix ah ku yeelan Karin kiiskan, maadaama uu yahay xukun Madaniya, isagoo xusay in madaxweynuhu saxiixo keliya Kiisaska Ciidamada.

Hoos ka daawo wareysiga oo dhammaystiran

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda sare ee Puntland oo shaacisay sababta loo fulin waayay xukunka Kiiskii Caa’isha Ilyaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this