Sign in to follow this  
Deeq A.

Awoodaha Milateri ee trump oo la xadiday,yaase xadiday?

Recommended Posts

Deeq A.   

Awoodaha Milateri ee trump oo la xadiday

D-trump-Mooshin-xil-ka-qaadis.jpg?w=1000Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

Sida aan ka soo xiganay Wakaalada wararka ee Reuters, Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa Khamiistii shalay xadiday awoodaha militari ee Madaxweyne Trump, iyadoo bariga dhexe ay ka taagan tahay xiisadii ka dhalatay dilkii Mareykanka ee General Qaasim Suleymaani.

Xubnaha Golaha wakiilada Mareykanka ayaa u codeeyey inay ka joojiyaan madaxweyne Trump inuu qaado talalabo kale oo militari oo ka dhan ah Iran, waxaana qaraarkaas meel-mariyey oo taageeray 224 mudane, halka 194 kale oo xisbiga Jamhuuri u badan ay ka hor-yimaadeen.

Tallaabadan ayaa madaxweyne Trump ka xayuubineysa awoodihiisa dagaal ee ah inuu ciidamada Mareykanka u isticmaalo Iran, isaga oo aan ogolaansho ka haysan Congress-ka.

Sharcigan ayaa hadda u gudbaya Aqalka Senate-ka, oo ay maamulaan Jamhuuriga, wuxuuna wajahayaa dagaal adag, si loo ansixiyo.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa tallaabada Aqalka Wakiilada ku qeexay “nacasnimo” iyo mid siyaasad ay dhiiri-gelisay.

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu yiti “tallaabadan waxay arbushi kartaa awoodda dowladda Mareykanka ay u leedahay inay ilaaliso muwaadiniinteeda, kuwaas oo Iran weli ay isku dayeyso inay waxyeeleyso”.

Go’aanka Aqalka Wakiilada ayaa yimid saacado kadib markii madaxweyne Trump uu sheegay in sababta loo dilay General Qaasim Suleymaani ay ahayd inuu isku dayayey inuu qarxiyo safaaradda Mareykanka.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this