Sign in to follow this  
Deeq A.

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey (Aqriso magacyada iyo beelaha)

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Guddiga farsamada maamul u sameynta Gamudug ayaa maanta shaaca ka qaaday liiska xildhibaanada cusub ee baarlamanka Galmudug oo muddo la sugayey.

Liiskan ayaa ka kooban 83 xildhibaan oo isugu jira 20-ka xildhibaan ee Ahlu-Sunna iyo 63 xildhibaan oo ay soo gudbiyeen odayaasha beelaha.

Waxaa liiska ka dhiman kaliya 6 xildhibaan, oo beelahooda aysan soo gudbin, ayada oo la filayo in maalmaha soo socda ay soo gudbiyaan.

Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa lagu wadaa inuu kulankiisii ugu horeeyay yeesho toddobaadkan, kadib dib u dhacyo muddo badan hareeyay, waxaana xiga doona doorashada guddoonka baarlamanka iyo madaxweynaha.

Liiskan ayaa imanaya ayada oo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu dowladda kala noqdo u wakiilashadiisa arrimaha maamul u dhisidda Galmudug, islamarkaana ku adkeystay inay xukuumaddiisa sii shaqeyn doonto.

Hoos ka aqriso liiska

81808268_2733657053336643_68543647689799 81728761_2733657153336633_57861465349155 82047429_2733657243336624_54970497693709

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this