Deeq A. Posted January 10, 2020 Muqdisho (SMN) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in uu tartamo kala duwan u qabanayo degmooyinka gobolka. Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish], gudoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho, ayaa arrintaan ku dhawaaqay. Tartamadda oo uu xusay in ay ka qeyb-qaadanayaan xasiloonida iyo is-dhexgalka ayaa isugu jira hal-buurka iyo hibada. Cumar Filish oo aan soo bandhigin waqtiga sida rasmiga loo bilaabi doono ayaa cod dheer ku sheegay in qorshihiisu socoto. Hadalkan ayuu gudoomiyuhu ka sheegay munaasabad xariga looga jarayey xarunta cusub ee degmada Howlwadaag dib loo dhisay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites