Deeq A. Posted January 10, 2020 Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku baaqay shir ay yeeshaan madaxda maamulada iyo dowladda federaalka. Deni oo ka hadlay munaasabad ka dhacday magaaladda Garowe ayaa sheegay in ay muhiim tahay in meel layska dhigo khilaafka shaqsiga ah. Dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayuu cod dheer ku qeexay in waqti xaadirkan ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah iyo wada-hadalo. Dhinaca kale, maamulkiisa ayuu sheegay in uu gebi ahaanba kasoo horjeedo sharciga doorashooyinka iyo batroolka. Xeerarkan, oo muhiim u ah waddanka, ayaa waxaa dhowaan meelmariyey Xildhibaanadda labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Hoos ka akhriso qoraalka Puntland ee sharciyada View the full article Share this post Link to post Share on other sites